|
Baydhabo, (insidesomalia.org) - Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in Dadka Magaaladaas ku dhaqan loo daadiyay warqado digniin ah.
Warqadahan oo sida ka muuqata sumadda saaran ay daadisay Dhaqdhaqaaqa Jabhadda Islaamka Soomaaliyeed ayaa dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo loogu sheegay in ay ka fogaadaan meelaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.
Sidoo kalena Warqadahan oo astaanta ka muuqata ay tahay 2 Bastooladood iyo Bambo ayaa waxaa si gaar ah loogu digay dadka jaajuusa Culimada ama sida warqadahaas lagu qoray ay Sunada Islaamka ka muuqato iyo weliba dadka sheega meelaha ay yaalaan Hubka lagula dagaalamo cadawga Dalka ku soo duulay waa sida ay warqadooda kuqoreene.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Warqadahan ay si weyn u cabsi geliyeen Dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo oo beryahan Xaaladdooda amaan ay aad u xumeyd, marka loo eego bilo ka hor.
Waa markii ugu horeysay oo gudaha Magaalada Baydhabo lagu daadiyo warqado dadka loogu sheegayo in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugaan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwo Itoobiya, iyadoo warqadahan digniinta ahna ay ku soo beegmayaan xili ay Saraakiisha amaanka Baydhabo ay sheegeen in ay wax weyn ka qaban doonaan amni darrada ka jirta Magaalada Baydhabo.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, magaalada Baydhabo ayaa waxaa haatan ay fadhiisin utahay Baarlamaanka Federaalka KMH ah ee Soomaaliya, sidoo kalena waxaa ku yaala Xafiisyada Madaxweynaha, iyo Ra’iisal Wasaaraha.
|